“Sidii Al Shabaabtii lahayd Ramadaanta Waxaanu labanlaabaynaa Dagaalka Aanu ku Hayno Dawlada Shariifka, Shirgudoonkeenuna ayay Laban laabeen Murankoodii Waraysi Khaas Ah Wasiirka Beeraha Somaliland

wasiirka beeraha“Shacbiga Somaliland Uma Kala Hiilanayaan Xildhibaanadii G/Wakiilada ee la soo Doortay oo Dhinac Ma Raacayaan”

Hargeysa(Idhanka)-  -Wasiirka Beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa sheegay inaanu shacbiga Somaliland u kala hiilinaynin labada garab ee  Golaha Wakiilada ee khilaafku u dhaxeeyo.

 Wasiirka Beeruhu wuxuu naqdiyay Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo uu tilmaamay inay fadeexad ku tahay qaskii Golaha ka dhacay Salaasadii.

 

Md. Aadan Dhoolaye, wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu maanta  Khadka Telefoonka kula yeeshay Shabakada Ramaas News, waxa  kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay mudaharaadyo la sheegay inay mucaaridku qaban qaabinayaan kuwaasi oo uu xusay inaan sharci loo qaadan.
Waraysigaasi koobani wuxuu u dhacay sedan:-

S: Wasiir sideed u aragtaan xukuumad ahaan mudaharaadyo la sheegay inay maalmahan ku hawlan yihiin abaabulkiisa xisbiyada mucaaridka ahi?

J: Runtii anigu waxaan qabaa inay dadka dulmi faro badan ka galeen qoladan mucaaridka ah gaar ahaan shirgudoonka baarlamaanku, iyadoo bil Ramadaan lagu jiro oo la sooman yahay badi soonkii dadka ay iyagu galaafteen, waxaanad arkaysaa in labadii qof ee meel wada taaganiba ay ka hadlayaan mushkiladahan ay ku dhex tuureen. Sidii Al Shabaabtii lahayd Ramadaanta waxaanu labanlaabaynaa dagaalka aanu ku hayno dawlada Shariifka, shirgudoonkeenuna ayay laban laabeen murankoodii. Aniga waxay ila tahay in aan shacbigu u baahnayn rabshad maalintii horena waanu u sheegnay.
S: Wasiir fadhigii Golaha Wakiilada, buuqii iyo rabshadihii ka dhacay sideed u arkaysay?

J: Fal Fawaaxish ah oo ceeb ku ah shirgudoonka ayuu ahaa balse iyagu uma haystaan inay ceeb ku tahay, oo ay haddana soo hor istaageen shacbiga Sooman oo ay waliba ugu baaqayaan shacbigii in baarlamaankii la qabsaday, waxa haboon intay cid kale eedaynayaan inay ogaadaan inay yihiin Golihii oo dhexdoodu iska soo horjeedaan. Markay shacbiga u baaqayeen dee kuwan kale ee ay ishayaanba shacbiga ayaa soo doortay.

Waxa u qurux badan inay golaha dhexdiisa is qanciyeen oo ay heshiiyeen oo ay ogaadaan shirgudoonku inay cabudhinayaan garab dhan.
S: Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee wakiilladu waraysi u BBC-da siiyay wuxuu ku eedeeyay inay xukuumadu sharcigii ka baxday, iyaguna ay dhexdhexaad yihiin shirgudoon ahaan, arrimahaasi maxaad kaga jawaabaysaan?

J: Sheekh Samaale marka uu sidaasi u hadlayo inuu sooman yahayna waan filiyaaye’e qofku in aanu been sheegin waa wax isaga u fiican, dhexdhexaadku halkee ayuu joogaa? Mudanayaal dhan oo la soo doortay oo golahooda ah ayay afkaar isku haysteen ciidanka booliiska ee uu eedeeyayna waa shaqadooda meeshii buuq iyo dagaal ka dhaco inay galaan oo ay nabadgleyada badbaadiyaan.
Anigu waxaan u arkaa in waxan golaha ka dhacayaa uu shirgudoonka fadeexad ku yahay oo ay mudanayaasha qaarna soo dhawaystaan qaarna cadaadiyaan.

Shacbiga Somaliland uma kala hiilanayaan Xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee la soo doortay oo dhinac ma raacayaan. Marka shir-gudoonku ay shacbiga mudaharaadka ugu baaqayaan waxay leeyihiin shacbiyow dhinac u hiilaya.
Shacbiga Somaliland waayo arag ayay u yihiin qas iyo rabshado sidaasi darteed cidii is leh dano siyaasadeed ku fushada uma suurto galayso.

 

Source Ramaasnews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes