Borama(Idhanka)- Shacabka Boorama ku dhaqan ayaa rabshadihii ka dhacay Hargaysa iyagu ula socda si taxadir leh, dadweynaha ayaa ku war helay intooda badani Idaacadaha Af Soomaaliga ku hadla Shalay.
Mar aan Afurkii ka bacdi wakhti ku dhaw Salaadii Cishaa’i aan soo maray suuqa faras magaalaha ee Boarama ayaan la kulmay dadweyne ku xoonsan Stereo lagu Gado Cajaladaha oo ay ka socoto Idaacada codka Maraykanka ee VOA, dadweynahaasi waxay dhegaysanayeen Idaacada Maraykanka ee VOA ee AF Soomaaliga ka hadasha, wakhtigaas waxaa ka socday Idaacada waraysi ay la yeelatay Idaacadu Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siiraanyo.
Dhanka sida uu ii sheegay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar wuxuu ku eedeeyay dhacdadii shalay ka dhacday Hargaysa in Ay xukuumadu ka masuul ahayd, dhanka kalana loo baahan yahay in ay shirgudoonku ilaaliyaan nabada wixii fawdo ahna ka fogaadaan, wuxuu intaas ku daray Samatar in xukuumada maanta jirtaa ay horseed ka tahay waxa socda, ka dib markii ay masuuliyadeedi ka gaabisay, waxaan qabanay shir jaraaid Aniga iyo Suldaan dhawal iyo xubno kale oo aan sidaas ku cadaynay ayuu suldaanku u sheegay Shabakada Wararka ee Awdalpress, wuxuu intaas raacshay in ay tacsi u direen ehaladii dadkoodu ku dhinteen rabshadihii shalay ka dhacay Hargaysa.
Guud ahaan shacabka ku dhaqan Awdal waxay si taxadar leh ula socdaan xaalada ku soo korodhay dalka ee ah muranka ka dhextaagan Baarlamaanka iyo xukuumada, waxayna cabsi weyni ka haysaa halka degenaashaha dalku ku dambayn doono.
Shacabka Boorama oo si Taxadir leh ula socda Xaaladaha ka socda Hargaysa
Posted by Idhanka on September 13th, 2009
















Posted in
Tags: 





