Hargaysa(Idhanka) Xafiiska imtixaanaadka Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey natiijadda imtixaankii shahaadiga sanad dugsiyeedka 2008 ilaa 2009.
Madaxda xafiiska imtixaanka Somaliland, xaflad ay ku soo bandhigtay natiijada imtixaanaadka sanad-dugsiyeedka 2008-2009, oo shalay lagu qabtay xafiiska imtixaanaadka ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa qayb galay wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne) iyo dhamaanba maamulada iskuulada kala duwan ee dalka waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay madaxa imtixaanaadka Mr Daa’uud, oo ka war bixiyey tirada guud ee ardayda dalka ee sanadkan u fadhiisatay imtixaanka sanaawiga isaga oo xusay tirada ardayda dugsiyada sare ee u fadhiisatay imtixaankan in ay dhamaayeen 3174 arday,kuwaas oo uu sheegay in ay imtixaankii ku dhaceenay 174 arday halka ay baaseen 3000 00 arday. Sidoo kale,ardayda dugsiyada dhexe ayaa Da’uud sheegay in tiradoodu dhamaayd 8142 arday isla markaana ay imtixaankii ku dhaceen 541 arday halka ay ka baaseen 7402 arday.
Mr Daa;uud waxaa uu u mahad naqay dhamaanba ardaydii ku guulaysatay darajooyinka sare iyo waalidkood,
Wasiirka wasaarada waxbarasha Md. Xasan Gadhweyne, oo isaguna xafladaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay iskuulada ku guulaystay kaalmaha koowaad ilaa tobnaad ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexeba in tobanka arday ee u sareeya in ay kala yihiin iskuulada AL-AQSA ,Nuuradiin,Sheekh Ali Jawhar iyo Ilays, ugu danbayntiina waxaa uu mahad naqay dhamaanba ardeayda iyo waalidiintooda ku soo tacabtay
source Yool news
















Posted in
Tags: 





