Khilaafkii u dhaxeeyay wakiilada oo xal laga gaadhay

golahaHargaysa,(Idhanka)- Waxa maanta heshiis kama danbays ah laga gaadhay in dib loo furo maalinta bari ah xaruntii golaha wakiilada oo ay iyagu iska xidheen kadib markii ay ku dagaalameen xildhibaanadu, taasi oo sababtay ama ka danbaysay markii shir gudoonka golaha wakiiladu ay raaceen dhinac ka mid ah garabyadii is hayay, taasi oo keentay in xildhibaanadu ay hub isula soo baxaan golaha dhexdiisa sidaasina ay ciidanka boolisku ay ku xidheen golahaasi maalinta bari ah lagu wado in ay xildhibaanadu ay shaqadoodii dib u bilowdaan maalinta bari ah.

Arintani dib loogu furayo golaha bari ayaa waxa dhex dhexaadin xoogan ka galay golaha guurtida iyo hogaamiye dhaqameedyada Somaliland, waxa sidoo kale dadaal xoogan muujiyay madaxda sar sare ee xisbiga UCID, oo ay horkacayaan Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed Rashiid Sh. Xasan, oo kala ah musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee xisbiga UCID.

Shir gudoonka ayaa hore tageerayaashooda ugu baaqay in ay maalinta sabtida ah ay isugu soo baxaan mudahraad, kaasi oo ay doonayaan in ay ku furtaan golaha wakiilada, hase ahaatee tageeryaasha mucaaridka ayaa lagu war galiyay in ayna maalinta bari ah wax isu soo bax ah samynin, iyada oo dhanka kalena tageeryaasha xisbiga UDUB ay iyaguna ilaa shalay is abaabulayeen oo ay damacsanaayeen in ay difaacaan golaha wakiilada iyaga oo ay wada socdaan xubnaha wakiilada ee ka soo hor jeeda shir gudoonka iyo tageerayaashooda, taasi oo ay iyagana u eegtahay in ay hakin doonaan tageerayaashooda.

Hadii aan sidaasi loo xalin lahayn khilaafka ayaa maalinta bari ah waxa aad looga baqaayay khasaaraha ay gaysan karaan tageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo UDUB oo bari lagu waday in ay isugu soo baxaan fagaaraha golaha wakiilada horteeda, taasi oo hada laga bad baaday.

 

Source Qarannews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes