Hay’ada Amoud-foundation oo Deeq Raashin ah Ramadaanka siisay Xaafada Caroqoolaab ee Borama

amoudfound Borama(Idhanka)- Hay’ada Amoud-foundation ayaa maanta siisay deeq raashin ah dadweynaha degen xaafada Caroqoolaab ee magaalada Boorama, deeqdaas oo iskugu jirtay Bariis, Daqiiq, Saliid iyo Timir, waxay ugu talo galeen dadka danyarta ah ee degen xaafadaas, waa Hay’adii u horaysay ee bixisa deeqdan Rashinka ah Ramadanka magaalada Boorama.
Wakiilka Haya’ada Amoud-foundation C/Wahab Cige Axmed ayaa deeqdan gudoonsiiyay gudida Xaafadaas, wuxuuna u sheegay in ay deeqdu ka timid Walalahooda Amoud-Foundation ee degen DALAS oo halkas uga soo diray dadka tagta daran si ay Ramadanka ugu noqoto Afur ama Cunto, wuxuu ku dardaray C/Wahaab in ay si wanagsan u qaybsadaan isla markan dadka sii liita ay siiyaan.
 
Axmed Muxumed Xadi oo ah Odayga beesha C/qoolaab ayaa uga mahadceshay deeqdan ay soo gadhsiiyeen Haya’ada Amoud-foundation deegankooda, wuxuuna yidhi ilahay ha ka abal mariyo dadka sadaqadaas na soo gaadhsiiyay iyo Haya’ada Amoud-foundation.
 
Hodan C/lahi oo ah haweenka Xaafada ayaa iyadna uga mahadcelisay deeqdan kuna tilmaantay in ay tahay mid bahidooda wax ka tari doonta, waxanay u mahadcelisay dadka ugu soo deeqay iyo Haya’ada Amoud-foundation.
 
dadweynaha xafadaas ee  ay deeqdu gadhay ayaa ahaa iyagu kuwo ay bahi weyni u haysay deeqdaas, waxaana meeshaas iskugu yimid ku dhawaad boqol qoys oo xaafada dadka ugu danyar ah

Source  Awdalpress

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes