Gudoomiyaha iyo Xildhibaanada Golaha Guurtida oo isku haya Samatabixinta Dalka

Waxa la isku hayaa muddo kordhin iyo in Goluhu Talada la Wareego

gudoomiyayaashaHargeysa (Idhanka) Golaha Guurtida Somaliland ayaa maalmahan laga dareemayaa dhexdiisa Loolan Xoog leh oo loogu jiro waxa laga yeelayo xaalada Dalka, taas oo ay isku hayaan sida la sheegay inta badan Mudanayaasha Golahaasi iyo Gudoomiyaha Golahaasi, taasi oo sii xogaysatay tan iyo markii uu adkaaday xiisada ka Dhex Aloosan Xukuummada iyo Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada, taas oo malmahan cirka isku shareertay.

Sida ay wararku sheegayaan inta badan Xubnaha Golaha Guurtidu waxay doonayaan in Goluhu Deg deg u gudo galo Go’aan ka gaadhista Xaalada Dalka iyo soo afjarida muranka taagan, taas oo la sheegay in ay badan koodu ku talinayaan in muddada ay kordhiyaan, madaama Koomishankii Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqay in aanay wakhtigii loogu talo galay Doorasho ku dhacaynin, isla markaana cida kaliya ee awooda u lehi ay tahay Guurtida in ay Dalka u mudeeyaan wakhtiga la qaban karo Doorashada iyaga oo waafajinaya mudada Xil ka ee Madaxwaynaha oo imika u muuqata inay ka hadhsantahay wax ka yar Saddex Todobaad, taasi oo hadii ay sidan ku sii socoto Dalka ka abuuri karta Fawdo dhinaca Hogaanka ah.

Dhinaca kale Shir-Gudoonka Golaha Guurtida ayaa la sheegay in uu ka warwareegaayo Gudo galka Xaalada Dalka, iyada oo sida la sheegay loo aanaynayo in Shir-Gudoonku ka war sugayo in ay Natiijo ka soo baxdo Mooshinka ka socda Golaha Wakiilada, taasna ay ku Go’aan qaataan, madaama hadii Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka la rido uu Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Xilka Dalka si ku meel gaadh ah u sii qabanayo.

Xiisadan iyo Loolankan ka dhex jira Golaha Guurtida ayaa soo ifbaxay tan iyo markii uu Gudoomiyaha Guurtidu waraysiga uu siiyay BBC da oo uu ku sheegay Duruufaha Dalka taagan in ay yagu Go’aan ka gaadhayaan, isaga oo sheegay Xaalada lagu jiro oo kale in Madaxwaynahu awoodahiisa Madaxwaynenimo uu halkaa dhigo, isla markaana uu la mid noqdo Gudoomiyayaasha Xisbiyada kale.

Waxa kale oo Xiisadu ku soo beegantay iyada oo Xukuumadu Albaabada u laabtay Golaha Wakiilada, ka dib markii uu Shir-Gudoonku ku adkaystay in Golaha la hor dhigo

Mooshinka Maamuuska xayuubinta Madaxwaynaha oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanadu, taas oo saamayn ku yeelatay Golaha Guurtida laftooda, madaama ay isku xarun ku yaalaan labada Gole, isla markaana ay isku albaab qudha ka soo galaan.

Sida la sheegay Shalay ayay kulan yeesheen labada dhinac ee Golaha Guurtidu, iyaga oo u soo jeediyay Gudoomiyahu in uu Golaha furo, si loo gudo galo Dooda xaalada Dalka, balse Gudoomiyaha ayaa la sheegay in uu ka Gaws adaygay, taasina waxay keentay in uu Guux ka dhex bilaabmo  Golaha Guurtida oo laga cabsi qabo in uu iyagana ka dhex dhaco loolan ka adag ka ka dhex taagan Golaha Wakiilada, taasina waxay cirka ku sii shareeraysaa xaalada cakiran ee Dalka ka jirta ee ay ku kala aragti duwan yahiin Mucaaridka iyo Muxaafidku oo sidoo kale taageerayaal ku kala leh Xildhibaanada Golaha Guurtida oo marka ay timaado dooda xaalada Dalku ku kala aragti duwanaanaya

waaheen.com

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes