|
Hargeysa (Idhanka)- Sept. 14,2009-Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa maanta booqday 14 qof oo ku dhaawacmay mudaharaadkii Sabtidii ka dhacay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee caasimada. Guddoomiye xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay murashaxiisa madaxweyne ku xigeenka Eng. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku soo wareegay waadhadhka cistibaalka guud ee ay yaaleen dadkii ku dhaawacmay mudaharaadkii iyo bukaanka kale ee jiifay waadhadhkaasba, kuwaasi oo ay u ducaynayeen. “Waxaan maanta Cisbitaalka u nimid in aanu soo booqano oo aanu uducayno dadkii la dhaawacay oo rag iyo dumarba lahaa oo wax ay galabsadeen aanu jirin, waxa kale oo meelwalba laga soo sheegayaa oo aynu ognahay in dad badan oo aan waxba gaysan xabsiyada loo taxaabay iyagoon hub sidan cidii xabada lala dhacayayna ay iyaga ahaayeen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye, waxaanu ku baaqay in si degdeg ah loo siidaayo dadkii loo xidhxidhay mudahadaraadkii Sabtidii ka dhacay magaalada Hargeysa. Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan saraakiisha xisbigiisa, ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay mudaharaadkii ee lagu dawaynayay cisbitaalka guud, halkaasi oo uu ugu duceeyay oo uu Ilaahay uga baryay inuu shaafiyo. Ramaasnews |
Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah oo booqday dadkii ku dhaawacmay mudaharaadkii Sabtidii ka dhacay Hargeysa iyo hadaladii ay jeediyeen.
Posted by Idhanka on September 14th, 2009


















Posted in
Tags: 





