Ganacsato isu xil qaantay xalinta khilaafka siyaasadeed ee Murugsan

nasaha1Hargaysa,(Idhanka)- Waxa xalay kulan balaadhan uu dhex maray ganacsatada Somaliland oo ay weheliyaan laba ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland iyo xisiyada mucaaridka oo ay horkacayeen labada gudoomiye iyo shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, kulankaai oo qaatay mudo 4 saacadood, waxa uu ka dhacay Hotel Mansoor ee magaalada Hargaysa.

Kulankaasi waxa lagagawada hadlay xaalada uu dalku maraayo iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada hadal oo dhex mara xukmada iyo xisbiyada mucaaridka oo ay weheliyaan shir gudoonku, iyo sidii loo kala dhex gali lahaa golaha laftiisa oo ay ku habsatay kala qaybsanaan iyo colaad joogto ah oo dhexdooda taala.

Kulankaasi oo xalay jawi wanaagsan ku dhamaaday waxa ay kooxdani is xil qaantay ay sidoo kale  ay la kulmayaan xukumada Somaliland iyaga oo isla maantaba ay sheegayaan wararku in ay la kulmi doonaan madaxweynaha, taasi oo ay wararku sheegayaan in xukumadu ay soo dhawaysay gudidani is xil qaanatay oo laga yaabo in ay soo af jaraan xalinta khilaafyadani

Source Qarannews

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes