Fadhigii Golaha Wakiilada oo Dagaal Weyni ka Dhacay iyo Booliska oo Albaabada u Laabay

golaha wakiiladaHargaysa(Idhanka)Golahii wakiiladda oo dagaalkii ugu cuslaa ku dhexmaray xildhibaanada iyo ciidamada Booliiska oo la wareegay. Dagaalkii ugu cuslaa ayaa maanta xildhibaanada Golaha Wakiiladdu isku fara saareen,waxaana ka dhashay dagaalkaasi dhaawacyo soo kala gaadhay xildhibaanadii

Dagaalkan saaka ka dhacay golaha Wakiiladu waxa uu ka bilaabmay muran xoogan oo ka dhashay Mooshinkii xildhibaanada Mucaaridka ahi ay keeneen Golaha oo maanta markii labada mooshin golaha laga hor akhriyay la yidhi waxa loo dhiibayaa guddida joogtada ah taasoo ay diideen xildhibaanada muxaafidka ah oo ku dooday guddidaasi inaanay ku kalsoonayn oo muran ka aloosan yahay isku badal dhawaan shirguddoonku ku sameeyay sida uu xildhibaan C/raxmaan xoog oo mikirifoonka golaha istaagay u sheegay shirguddoonka iyo golahaba

Intaa kadib waxa dabka ku sii shiday xaraaradii golaha oo soo dadajiyay inay xildhibaanadu isfara saaraan kadib markii uu shirguddoonku amray in la qaybiyo mooshinkii maamuus ka xayuubinta madaxweynaha taasoo markii ay shaqaalaha goluhu u soo dhaqaaqeen dhinaca xildhibaanada si ay ugu qaybiyaan ay mar kaliya xildhibaanadii muxaafidka ahaa ku qayliyeen oo ay yidhaahdeen lama qaybinayo

Waxa halkaa ka bilaabmay gacan ka hadal aan la isku aabo yeelin oo ay lababa dhinac isku feedheen iyadoo mar kaliya ay golaha ka oogantay dagaal safayn ah oo aan waxaba la iskula hadhin

 

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan cirro ayaa dabadeed si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu goluhu xidhan yahay ilaa sabtida isagoo aan cod baahiye haysan

 

Ka hor dagaalku intaanu bilaabmin ayaa la taliyaha sharcigu waxa uu golaha hortiisa ka akhriyay soo jeedintiisa, waxaanu sheegay labada mooshinba inay ansaxa yihiin waa ka xilka qaadista madaxweynaha iyo ka shirguddoonka golaha wakiilada’e balse waxa uu soo jeediyay xaaladan inaan loo baahnayn mooshino caynkan oo kale ah

Ciidamada Booliiska ayaa iyana soo galay guddaha golaha wakiiladda si ay u kala qabtaan xildhibaanada balse waxba kamay suurtogalin oo xaaladii waxay noqotay fara kabax, waxaana markii danbe amar lagu siiyay inay gabi ahaanba albaabada u soo xidhaan golaha saidaasaanu golihii ku xidhmay

source Waaheen

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes