Dawlad Ku Meel Gaadh Ah Oo Uu Madaxweyne Ka Yahay Gudoomiyaha Guurtidu Madaxweyne Ku Xigeena Ka Yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Habayaraatee Ma Jirto Meel Ay Labada Xisbi Ay Taladaas Ku Gaadheen……… Xisbiga UCID

UCIDFadhi degdeg ah oo ay manta gudida fulinta  ee xisbiga ucid  isugu yimaadeen manta oo ay taariikhdu tahya 17/9/09 waxay ka doodeen kana baaran degeen qodobadan hoos ku xusan

Haddii aanu nahay xisbiga UCID waxaanu doonaynaa in aanu  cadayn ka bixino warar lagu baahiyay warfaafinta gudaha iyo dibadda ah oo tilmaamaya sidan soo socota

  • In labada xisbi UCID IYO KULMIYE ay ku heshiiyeen in stratejiyad ( strategyad     lagu dhisaayo markay wakhtiga madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu  dhamaado in la dhiso dawlad ku meel gaadh ah oo uu madaxweyne ka yahay gudoomiyaha guurtidu madaxweyne ku xigeena ka yahay gudoomiyaha golaha wakiiladu habayaraatee ma jirto meel ay labada xisbi ay taladaas ku gaadheen, waxa jira doodo fara badan iyo sinaarooyin dhex socda axsaabta mucaaradka ah indheer garatada wadaniga ah iyo dhalinyarada oo ku ligood ka hadlaya  qaabka ay noqonkarto dawlad ku meel gaadh ahi .
  • Dhinaca kale waxaanu cadaynaynaa xisbiga ucid cadaynayaa strategyadii ka dhaxaysay UCID IYO KULMIYE  ee la xidhiidhay doorashada iyo habsami soocdka siyaasada hadda tagan inay halkeedii tahay
  • Waxa xisbiga UCID wuxuu markasta adagyahay in danta wadanka ee guud laga hor mariyo ta gaar ahaaneed.
  • Waxa kale oo aanu raacinaynaa horena u cadaynay in wada hadalada hadaa socda ee ay dhexdhexaadinta ka ahaayeen baayacmushtariga,culimadda,hogaamiye dhaqameedyada ,urarada ,shakhsiyaad kale oo wadani ah iyo beesha caalamkuba in labad xisbi ay ku abaarayaan wadajir haddi madaxweyne loo tagayo iyo hadii kaleba

Wabilaahi taw fiiq

Afhayeenka xisbiga ucid

Xasan xuseen maxamed ( codka*

Share and Enjoy:
  • Print
  • Digg
  • Facebook
  • Mixx
  • Google Bookmarks
  • Add to favorites
  • email
  • Live
  • MySpace
  • PDF
  • RSS
  • Twitter
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Get Adobe Flash playerPlugin by wpburn.com wordpress themes