Arbaco, 16 September 2009 (Idhanka): Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID, ayaa baaq u diray Shacabka Somaliland iyo Beesha Caalamka. Waxaanay soo dhaweeyteeen dedaalada lagu doonayo in lagu xallilo khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka ka taagan. Warsaxaafadeed ay wada-jir ugu saxeexan yihiin labada Guddoomiye Xisbi ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay laga soo saaray Hargeysa, ayaa lagaga hadlay muddada xil-haynta Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, isla markaana waxay baaq u jeediyeen Beesha Caalamka oo ay qayb ka yihiin Saaxiibada Somaliland. Warsaxaafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan; “Iyadoo la tix-gelinayo duruufaha adag ee dalka ka taagan, isla markaana ay soo dhawdahay mudadii loo cayimay inay doorashadu qabsoonto, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana xilku kage e’g yahay inay talada hayaan. Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE waxay si mug leh u soo dhawaynayaan dhammaan dadaalada loogu jiro xal u helida khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaas oo ka socda gude iyo dibedba. Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay ugu baaqayaan dadka reer Somaliland ee ku hawlan xal-u-helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dadka daneeya Somaliland nabadeeda iyo jiritaankeeda ee bulshada Caalamka, siiba saaxiibada Somaliland (Friends of Somaliland) inay dedejiyaan laban-laabaanna dedaalkooda.Idhanka(Hargeisa)
Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland oo baaq u jeediyay dhexdhexaadiyayaasha Somaliland
Posted by Idhanka on September 16th, 2009
















Posted in 





