Siyaasi Ibraahim Aadan Qaalib Ayaa kalsooni Daro Ka Muujiyay Xisbiga Kulmiye Tilmaamayna In Beeshiisa Makaahiil Dhabarka Uu  U Jeediyay Kulmiye……

Ibrahim

Siyaasi Ibraahim Aadan Qaalib Ayaa kalsooni Daro Ka Muujiyay Xisbiga Kulmiye Tilmaamayna In Beeshiisa Makaahiil Dhabarka Uu  U Jeediyay Kulmiye……

Qoraalkan Kooban Ee Uu Bartiisa Facebooka Ku Daabacay Siyaasi ibraahim Aadan Qaalib Ayaa Waxa Uu Si Qota Dheer Oo Ay Ku Jirto  Ku Weeraray Hogaanka Xisbiga Kulmiye Isaga Oo Sheegay In Isku Shaandhayntii Ugu Dambaysay Ee Madaxweyne Siilaanyo Sameeyey Ay Sababi Karto Guul Darooyin Siyaasadeed Oo Xisbiga kulmiye Kala Kulmo Deegaanada Kala Duwan Ee Gobolka Awdal…Waxaana Uu Qoraalkiisani Ku Bilaabay

“Ma jufaa nagu soo dumi wixii jiray hadaan sheegno.
Magcaabistii iyo isku shaandhayntii wasiirada iyo wasiir ku xigeenada ee shalay la soo saaray waxay guux cadho xambaarsan ka dhex abuurtay taageeryaashii xisbiga Kulmiye ee saddexda beelood ee Samaroonka guud ahaan.
Waxaa cadhadaasi salka ku haysaa in aan laba danaynayn taageerayaashii soo jireenka ahaa oo had iyo jeer la keenaayo kuwo aan kuba abtirsanin xisbiga oo aan u keeni karin hal cod.
Waxaa dareenkaasi uu ku abuurmay gaar ahaan taageerayaashii beesha Makaahiil ka soo jeeday. Alayleh tixgelinta dadka aan xisbiga kuba abtirsan ee had iyo jeer la dulkeenaayo oo aan laba danaynayn dadkii soo jireenka u ahaa xisbiga Kulmiye in ay keenayso in xisbigii la isagaba hayaamo.
Dhaqdhaqaayada siyaasadeed ee xisbiga kulmiye ee ku wajahan beesha makaahiil ma aha mid ka dhalatay xidid hoosaadka ama wax laga weydiiyey siyaasiyiintii hormoodka u ahaa ee ku abtirsanaysay Xisbiga Kulmiye. Waxaa ay imika marayaanba waanu ka tashan doonaa kulamana yaabaayo.

Haddii si degdeg ah uu Xisbiga kulmiye isku daba qaban waayana khasaaraha ka yimaada ayaanu xisbigu cid kale ku eedayn.Waa mid uu isagu isku gaystay.

isku Soo Wada Duuboo Dadka Falaanqeeya Siyaasada ayaa Xusay In Siyaasi Ibraahim Aadan Gaalib Ayaa Quudaraynayey In Uu ka Dhex Muuqdo  Isku Shaandhayntani Cusub Isaga Oo Isbidaaya in Uu Ka Mid Yahay Raga Waqtiga Dheer U Soo Halgamay Xisbiga Kulmiye Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal…..